HomeWararCiidamada Yuhuuda oo helay Godod hub ku jiro iyo Xaaladda Jenin oo...

Ciidamada Yuhuuda oo helay Godod hub ku jiro iyo Xaaladda Jenin oo Jahawareersan

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin oo lagu keydin jiray walxaha qarxa. Ciidamadu waxay sidoo kale burburiyeen “laba qol oo ay lahaayeen ururro “argagixiso”, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israa’iil, Booliska Xuduudaha Israa’iil iyo hay’adda amniga […]

- Advertisement -

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin oo lagu keydin jiray walxaha qarxa.

Ciidamadu waxay sidoo kale burburiyeen “laba qol oo ay lahaayeen ururro “argagixiso”, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israa’iil, Booliska Xuduudaha Israa’iil iyo hay’adda amniga Shin Bet.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee ka howgalaya xerada Jeniin ayaa sheegaya in ay arkeen dad badan oo qaba dhaawacyo iyo firir rasaaseed.

Jovana Arsenijevic waxay la shaqeysaa hay’adda caafimaadka ee Sans Frontieres. Waxay sheegtay in cusbitaal ku yaalla meel ku dhow xerada qaxootiga ee Jenin ay ku sugneed tan iyo shalay oo Isniin ahayd.

Shalay, waxay sheegtay inay aragtay in ka badan 90 bukaan oo qaba rasaas iyo firir ka soo gaaray walxaha qarxa.

- Advertisement -

“Dhaqdhaqaaqa ciidanku wali waa uu socdaa, hakad aad u kooban ayaa jiray, sidoo kale waxaan aragnay barakaca dad badan, qoysas badan oo caruur da’doodu ka yar tahay hal maalin oo u cararaya isbitaalada si ay gabaad u helaan.”

Xaaladda xerada Jeniin ayaa ah mid jahawareersan.

Latest stories