HomeWararShir looga hadlayo la wareegida Amniga dalka ee CXD oo furmaya &...

Shir looga hadlayo la wareegida Amniga dalka ee CXD oo furmaya & MW Xasan oo ka qeyb galaya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu wadaa inuu ka furmo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka Soomaaliya. Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu wadaa inuu ka furmo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

- Advertisement -

Shirka ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Kampala, waxaana dowladda ay shirka ku soo bandhi doontaa sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan uu xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo dowladda kula jirta dagaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirka maanta ka furmaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Latest stories