HomeWararMuwaadiniin Soomaali oo ku Go'doomay Dagaalka Suudaan oo gaaray Sacuudiga

Muwaadiniin Soomaali oo ku Go’doomay Dagaalka Suudaan oo gaaray Sacuudiga

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay inay Howlgal ballaaran ku soo badbaadiyeen 1,687 qof oo rayid ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 50 dal, kuwaasi oo ku xayirmay Dagaalka isbuucii labaad ka socdo dalka Sudan. Hawlgalkaasi daad-gureynta ayaa noqday kii ugu ballaarnaa ee ay Dowladda Sacuudiga fuliso. Markabkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay inay Howlgal ballaaran ku soo badbaadiyeen 1,687 qof oo rayid ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 50 dal, kuwaasi oo ku xayirmay Dagaalka isbuucii labaad ka socdo dalka Sudan.

Hawlgalkaasi daad-gureynta ayaa noqday kii ugu ballaarnaa ee ay Dowladda Sacuudiga fuliso.

- Advertisement -

Markabkii waday Muwaadiniinta la soo badbaadiyey oo ka soo shiraacday Dekedda Port Sudan ee ku taalla Badda Cas ayaa la sheegay inuu shalay oo Arbaco aheyd ku soo xirtay  Dekedda magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa lagu xusay in 13 ka mid ah dadka rayidka ee la soo badbaadiyey ay yihiin Muwaadiniin Sacuudiyaan ah, halka inta kalena ay ka soo kala jeedaan dalal ku yaalla Bariga Dhexe, Africa, Europe,  Asia iyo Waqooyiga iyo Bartamaha Amerika (North and Central America).

Dagaalka Suudan waxa uu qarxay bishan April 15-dii, iyadoo ay wada dagaalamayaan Ciidanka Milliteriga Qaranka Suudan ee daadadka u ah Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo kuwa RSF ee u daacadda ah  Ku-xigeenkiisa gadoodsan, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo.

- Advertisement -

Tirada Guud ee ay dadka ay  Sacuudiga ka soo daad-gureeyeen dadka ku xayirmay Dagaalka Sudan waxay gaarayaan 2,248 qof, oo in ka badan 2,000 ahaayeen Muwaadiniin Shisheeye ah.

 

W/Q: Ustaad Nuuradiin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts