HomeWararMidowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ay ku kacayso lacago fara...

Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ay ku kacayso lacago fara badan

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro. Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab. Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya. Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin […]

- Advertisement -

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro.

Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

- Advertisement -

Waxaa kolka koowaad lagu bilaabayaa magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal.

Latest stories