HomeWararLafta-gareen oo shaaciyay in Maamulkiisu uu diyaariyay Qorshe dagaal oo ka dhan...

Lafta-gareen oo shaaciyay in Maamulkiisu uu diyaariyay Qorshe dagaal oo ka dhan ah AL-Shabaab

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka Al-Shabaab, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka Al-Shabaab

- Advertisement -

Madaxweyne  laftagareen  ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay ka socdaan kacdoonka Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga suganyihiin hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu ku soo aadaya xilli kacdoonka ka ah AL-Shabaab ay ka soconayaan degaanno katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay AL-Shabaab.

Latest stories