HomeWararGuddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta gaaray Garoowe

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta gaaray Garoowe

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulkaas. Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ku-xigeenadiisa, Xildhibaano, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Golaha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulkaas.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ku-xigeenadiisa, Xildhibaano, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxa uu kulamo la qaadan doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo  Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Lama shaacin ujeedka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Garoowe, balse kulamada uu la qaadan doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan.

Latest stories