HomeWararBooliska oo sheegay in Gaari ay saarnaayeen Arday lagu Qarxiyey Muqdisho &...

Booliska oo sheegay in Gaari ay saarnaayeen Arday lagu Qarxiyey Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax miino ah oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Deyniile, halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee laamiga deyniile hareerihiisa. Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay Wakaalada wararka SONNA ayaa u sheegay qaraxii ka dhacay Deyniile […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax miino ah oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Deyniile, halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee laamiga deyniile hareerihiisa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay Wakaalada wararka SONNA ayaa u sheegay qaraxii ka dhacay Deyniile lala eegtay gaari ay saarnaayeen Arday, xilli ay marayeen Wadada Schoolka Gutaale ee degmada Deyniile.

- Advertisement -

Wuxuu xaqiijiyey Afhayeen Sadiiq Doodishe in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac uu gaaray qaar kamid ah Ardaydii saarneyd gaariga, isagoona sheegay inay dhinteen laba Arday, halka ay dhaawacmeen 5 Arday kale.

Dhinaca kale warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxii ka dhacay degmada Deyniile, halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee laamiga deyniile hareerihiisa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, uuna ka dhashay khasaaro gaaray askarta.

Maalmo kahor ayey aheyd markii qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ka dhaceen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas ku dhintay 119 qof, halka ku dhawaad 400 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Latest stories