HomeWararItoobiya oo Deeq Daawo ah ku wareejisay DFS & Dhaqaatiir kusoo wajahan...

Itoobiya oo Deeq Daawo ah ku wareejisay DFS & Dhaqaatiir kusoo wajahan Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac u ah dhaqaatiir u dhalatey dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daweynta dhaawacyada. Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Guddiga ka socday Itoobiya kala wareegay […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac u ah dhaqaatiir u dhalatey dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daweynta dhaawacyada.

Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Guddiga ka socday Itoobiya kala wareegay deeq Daawo oo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Soobe

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale, iyadoo maanta ay Muqdisho soo gaareen Daawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii soobe.

Wasaaradda  Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii soobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Itoobiya oo Daawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Soobe usoo dirtey Soomaaliya, kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga.

Latest stories