HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay khasaaraha Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay khasaaraha Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe. Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadlayey goobta qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in 100 qof ay ku dhinteen qaraxyadii Isgoyska Soobe, halka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadlayey goobta qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in 100 qof ay ku dhinteen qaraxyadii Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 qof kalena ay dhaawacyo kala soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaalada la dhigay.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Madaxweynaha in dalalka taageera Soomaaliya ay  ka dalban doonaan inay usoo diraan dhaqaatiir Caafimaad iyo daawooyin, si gurmad loogu sameeyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxydii ka dhacay Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts