HomeWararWasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in dadka qaba dhaawacyada culus dibadda loo qaadayo

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in dadka qaba dhaawacyada culus dibadda loo qaadayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Wasiirka ayaa Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts