HomeWararKhasaaro lixaad leh oo ka dhashay Qaraxyadii lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada

Khasaaro lixaad leh oo ka dhashay Qaraxyadii lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay dhaawacyo kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxayada, waxaana sidoo kale nolal iyo geeri lagu la’yahay dhowr qof oo ay baadi goob ugu jiraan qoysaskooda.

- Advertisement -

Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dadka qaba dhaawacyada, isla markaana waxaa  buux dhaafiyay dadweyne farabadan, kuwaasi oo baadi-goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen dad ka maqan.

Sidoo kale dadka qaarkood ayaa codsanaya in la tuso qaboojiyeyaasha meydadka la galiyo iyo goobaha ay dhaawacyada halista ah yaalaan. Qoysas badan ayaan wali heynin xubno ehelkooda kamid ah oo ay ku la’yihiin nolol iyo geeri, waxa ayna qoysaskan iyaga oo aad u naxsan, una niyad jabsan hor dhooban yihiin isbitaalada waaweyn.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab ah, ayna kamid yihiin carruur iyo hooyooyin goobta ku iibinayey caano iyo waxyaabo kale, burbur xooggan ayaa gaaray dhismayaal goobta ku yaallay.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hada si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo jugtooda inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts