HomeWararKhasaaro lixaad leh oo ka dhashay Qaraxyadii lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada

Khasaaro lixaad leh oo ka dhashay Qaraxyadii lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay dhaawacyo kasoo […]

- Advertisement -

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxayada, waxaana sidoo kale nolal iyo geeri lagu la’yahay dhowr qof oo ay baadi goob ugu jiraan qoysaskooda.

- Advertisement -

Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dadka qaba dhaawacyada, isla markaana waxaa  buux dhaafiyay dadweyne farabadan, kuwaasi oo baadi-goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen dad ka maqan.

Sidoo kale dadka qaarkood ayaa codsanaya in la tuso qaboojiyeyaasha meydadka la galiyo iyo goobaha ay dhaawacyada halista ah yaalaan. Qoysas badan ayaan wali heynin xubno ehelkooda kamid ah oo ay ku la’yihiin nolol iyo geeri, waxa ayna qoysaskan iyaga oo aad u naxsan, una niyad jabsan hor dhooban yihiin isbitaalada waaweyn.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab ah, ayna kamid yihiin carruur iyo hooyooyin goobta ku iibinayey caano iyo waxyaabo kale, burbur xooggan ayaa gaaray dhismayaal goobta ku yaallay.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hada si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo jugtooda inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Latest stories