HomeWararSawirro: MW Xasan Sheekh oo Booqday goobta Qaraxyadii Amar Deg-deg ahna siiyey...

Sawirro: MW Xasan Sheekh oo Booqday goobta Qaraxyadii Amar Deg-deg ahna siiyey Xukuumadda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-shabaab ee shalay ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan ayaa tilmaamay in weerarkan ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-shabaab ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan ayaa tilmaamay in weerarkan ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee la diiwaan geliyey.

- Advertisement -

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts