HomeWararCiidamada Milateriga Dowladda oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Ciidamada Milateriga Dowladda oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay Maanta la wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka Solomaaliya ee Milateriga iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda. Ciidamada oo ka dhaqaaqay deegaano hoostega degmada Raaga-ceelle ayaa dagaal la’aan qabsaday deegaanka Masaajid Cali Guduud, kadib markii la […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay Maanta la wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka Solomaaliya ee Milateriga iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda.

Ciidamada oo ka dhaqaaqay deegaano hoostega degmada Raaga-ceelle ayaa dagaal la’aan qabsaday deegaanka Masaajid Cali Guduud, kadib markii la sheegay inay deegaanka isaga baxeen dagaalamayaashii Al-shabaab oo muddo halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Afhayeenka Madaxweynaha Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo Qoraal kooban soo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in si nabad ah Ciidamada kula wareegeen Cali Guduud, isla markaana aysan wax iska caabin ah la kulmin Ciidamada Milateriga.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inay sii socon doonaan, isla markaana ay u dhaqaaqi doonaan dhanka degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Masaajid Cali Guduud la helayo ayaa sheegaya in xaaladda haatan ay tahay mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo deegaankaasi, maadaama laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Latest stories