HomeWararDhaxal-sugaha Sacuudiga oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay Madaxweyne Biden

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay Madaxweyne Biden

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

- Advertisement -

Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.

Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.

Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan “cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts