HomeWararGuudlaawe “Qaraxyadii Baladweyne waxa ay baabi’iyeen dhamaan Xafiisyadii Maamulka”

Guudlaawe “Qaraxyadii Baladweyne waxa ay baabi’iyeen dhamaan Xafiisyadii Maamulka”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Is-miidaaminta ee maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Is-miidaaminta ee maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lagu weeraray xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ku hanti waayay weerada, wuxuuna xusay in khasaaro lixaad leh oo hantiyadeed ay jiraan.

“Runtii meesha dhibaatada ka dhacday waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran oo ka weyn Maamulka Hirshabeelle, dhibaatada dhacday waa in qaran ahaa loogu soo gurmado, dhammaan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan waa burbureen” ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu intaas kusii daray Guudlaawe inay Jawaab ka bixiyey doonaan qaraxyadii ay Al-shabaab ku weerareen xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan, sida Xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Guddoonmiyaha Gobolka iyo Xafiisyo kale.

- Advertisement -

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts