HomeWararGuudlaawe “Qaraxyadii Baladweyne waxa ay baabi’iyeen dhamaan Xafiisyadii Maamulka”

Guudlaawe “Qaraxyadii Baladweyne waxa ay baabi’iyeen dhamaan Xafiisyadii Maamulka”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Is-miidaaminta ee maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lagu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Is-miidaaminta ee maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lagu weeraray xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ku hanti waayay weerada, wuxuuna xusay in khasaaro lixaad leh oo hantiyadeed ay jiraan.

“Runtii meesha dhibaatada ka dhacday waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran oo ka weyn Maamulka Hirshabeelle, dhibaatada dhacday waa in qaran ahaa loogu soo gurmado, dhammaan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan waa burbureen” ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu intaas kusii daray Guudlaawe inay Jawaab ka bixiyey doonaan qaraxyadii ay Al-shabaab ku weerareen xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan, sida Xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Guddoonmiyaha Gobolka iyo Xafiisyo kale.

- Advertisement -

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Latest stories