HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalo ka tirsan dalka Mareykanka

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalo ka tirsan dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa dalka Mareykanka muddo 24 saacadood gudahood toogasho loogu geystay labbo nin oo Soomaali ah oo deggen labbo gobol oo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka. 10-ka  bisha September habeenkii sabtida aheyd ayaa waxaa Magaaladda Indianapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Filanwaa, wuxuuna ahaa Marxuum Cabduqaadir Darawal ku shaqeysan jiray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa dalka Mareykanka muddo 24 saacadood gudahood toogasho loogu geystay labbo nin oo Soomaali ah oo deggen labbo gobol oo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka.

10-ka  bisha September habeenkii sabtida aheyd ayaa waxaa Magaaladda Indianapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Filanwaa, wuxuuna ahaa Marxuum Cabduqaadir Darawal ku shaqeysan jiray gaadiidka tagsiga.

- Advertisement -

Booliska magaaladda Indianapolis ayaa dilka Cabduqaadir Filanwaa u qabtay James Riley oo ah 30-sanno jir iyo Alysianna Martin oo jirta 29-sanno. Muuqaal ay duubtay kaamirad  ku xiran baabuurka tagsiga ee uu waday marxuumka ayaa qabatay qaabkii loo dilay Cabduqaadir iyo wixii dhexmaray isaga iyo ninka dilka geystay.

Ninka iyo naagta loo haysto dilka marxuun Cabduqaadir Filanwaa ayaa xiran oo xabsi ku jira, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilkan.

Magaaladda Seattle Washington ayaa habeenkii Axadda waxaa isagana toogasho lagu dilay Allaha u naxariisto ee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa dalawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft.

- Advertisement -

Maxamed Kediye ayaa shaqo ku jiray oo baabuurka ku waday qof kaddibna baabuur kale ayaa soo garab istaagay qof babuurka kale saaran ayaa toogasho ku dilay. Booliiska magaaladda Seattle ayaa sheegay in ayna weli qofna u qaban dilka Maxamws Kediye, balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilkiisa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts