HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalo ka tirsan dalka Mareykanka

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalo ka tirsan dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Waxaa dalka Mareykanka muddo 24 saacadood gudahood toogasho loogu geystay labbo nin oo Soomaali ah oo deggen labbo gobol oo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka. 10-ka  bisha September habeenkii sabtida aheyd ayaa waxaa Magaaladda Indianapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Filanwaa, wuxuuna ahaa Marxuum Cabduqaadir Darawal ku shaqeysan jiray […]

- Advertisement -

Waxaa dalka Mareykanka muddo 24 saacadood gudahood toogasho loogu geystay labbo nin oo Soomaali ah oo deggen labbo gobol oo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka.

10-ka  bisha September habeenkii sabtida aheyd ayaa waxaa Magaaladda Indianapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Filanwaa, wuxuuna ahaa Marxuum Cabduqaadir Darawal ku shaqeysan jiray gaadiidka tagsiga.

- Advertisement -

Booliska magaaladda Indianapolis ayaa dilka Cabduqaadir Filanwaa u qabtay James Riley oo ah 30-sanno jir iyo Alysianna Martin oo jirta 29-sanno. Muuqaal ay duubtay kaamirad  ku xiran baabuurka tagsiga ee uu waday marxuumka ayaa qabatay qaabkii loo dilay Cabduqaadir iyo wixii dhexmaray isaga iyo ninka dilka geystay.

Ninka iyo naagta loo haysto dilka marxuun Cabduqaadir Filanwaa ayaa xiran oo xabsi ku jira, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilkan.

Magaaladda Seattle Washington ayaa habeenkii Axadda waxaa isagana toogasho lagu dilay Allaha u naxariisto ee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa dalawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft.

- Advertisement -

Maxamed Kediye ayaa shaqo ku jiray oo baabuurka ku waday qof kaddibna baabuur kale ayaa soo garab istaagay qof babuurka kale saaran ayaa toogasho ku dilay. Booliiska magaaladda Seattle ayaa sheegay in ayna weli qofna u qaban dilka Maxamws Kediye, balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilkiisa.

Latest stories