HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dowladda Mareykanka kala hadlay taageerada Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dowladda Mareykanka kala hadlay taageerada Amniga

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Difaaca dalkaas Lloyd James Austin. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Difaaca dalkaas Lloyd James Austin.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhankiisa Lloyd James ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Latest stories