HomeWararMidowga Afrika oo Ergay Cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib Cayrintii Madeira

Midowga Afrika oo Ergay Cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib Cayrintii Madeira

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS). Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

“Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii wadi doonaa xiriirrada dhow oo joogto ah oo uu la yeesho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee taageeraya hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo geeddi-socodyo ballaaran oo dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii April ee sanadkan dalka ka eryay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ay u aqoonsatay, isaga oo ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana aan dalka laga rabin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts