HomeWararMidowga Afrika oo Ergay Cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib Cayrintii Madeira

Midowga Afrika oo Ergay Cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib Cayrintii Madeira

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS). Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

“Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii wadi doonaa xiriirrada dhow oo joogto ah oo uu la yeesho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee taageeraya hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo geeddi-socodyo ballaaran oo dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii April ee sanadkan dalka ka eryay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ay u aqoonsatay, isaga oo ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana aan dalka laga rabin.

Latest stories