HomeWararMadaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaakooda.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowlad Goboleedka Puntland ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta.

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

Latest stories