HomeWararMacawisleyda oo weerar ku qaaday degaanno Al-Shabaab ay ku sugnaayeen Gobolka Hiiraan

Macawisleyda oo weerar ku qaaday degaanno Al-Shabaab ay ku sugnaayeen Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Dagaal Saaka ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo u dhexeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka is Abaabulay ee Macawisleyda. Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Ciidamada Macawisleyada ay saaka weerar xooggan ku qaadeen Degaanka Geed-weyne oo u dhaxeyo  Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn oo ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Dagaal Saaka ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo u dhexeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka is Abaabulay ee Macawisleyda.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Ciidamada Macawisleyada ay saaka weerar xooggan ku qaadeen Degaanka Geed-weyne oo u dhaxeyo  Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Dagaalka oo saaka waaberigii hore ay qaadeen Macwawisleyda ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaama wararku intaa ku darayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan xilii dadka degaanka ay soo food saartay cabsi aad u weyn.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray laabda dhinac ee dagaalamay, balse waxaa also sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, maaddaama dagaalku uu ahaa mid aad u xoogganaa oo labada dhiba ay saaacado dagaalamayeen.

Maamulka Gobolka Hiiraan wax war ah kama soo sarind agaalkaasi saaka dhacay, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadleen dagaalkaasi saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar aad u khasaare badan ku qaadeend ad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxaysa Baladweyne iyo maxaas, waxaana halkaasi ay ku dileen 21 ruux oo shacab ah, halka ay gubeen ku dhawaad 10 gaadiid shacab ah, inkastoo ay sheegeen in ay weerarkaasi ku beegsadeen Malleyshiyada Macawislayda ee Taageerada ka hela Dowladda Soomaaliya.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts