HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha oo Warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimaeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimaeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka hortabinta u leh iyo sida ay doonayaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay gudan lahaayeen hawlaha dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaarada Axmed Macalim Fiqi  ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiyay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo sheegay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso in arrimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dalka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeliyey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xiriirka xuudaha.

- Advertisement -

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ah guddi Madaxa Bannaan oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxa ayna shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts