HomeWararWaddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Ciidamo lagu arkayo

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Ciidamo lagu arkayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa saaka oo Axad xiran qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah waddooyinka u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa saaka oo Axad xiran qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah waddooyinka u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale wadada ayaa ka xiran inta u dhexeeysa wadada ka timaada Garoonka ee marka Isgoyska KM-4 ilaa Tarabuunka, sidoo kalena waxaa xiran wadada Warshadda Caanaha, sida ay kusoo warrameen dad shacab ah oo laga celiyay wadadaas.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo xiray waddooyinka qaar ee  Magaalada Muqdisho, isla markaana ma jiro wax faah faahin ah  oo laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixiyeen xirnaashaha waddooyinka Magaalada ee xiran .

Inta badan shacabka kunool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa la kulmo dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, mana ah markii ugu horreysay ee dad weynuhu kusoo toosaan waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda oo xiran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts