HomeWararKhasaaraha ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa ugu weyn ee Hargeysa oo...

Khasaaraha ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa ugu weyn ee Hargeysa oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duqa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay Dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo socday in ku dhow 24 saac. Cabdikariin Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Dabka uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay Dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo socday in ku dhow 24 saac.

Cabdikariin Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Dabka uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo uu baabi’iyey hanti gaareeysa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo dollar oo ay lahaayeen dad Ganacsado oo goobo Ganacsi ku lahaa Suuqa gubtay.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in dadka ku hanti waayay dabka loo saameyn doono gurmadyo kala duwan, maadaama khasaaro hantiyadeed uu gaaray dadkaas oo ay ka gubteen goobihii ay ku gacacsan jireen ee ku yaallay Suuqa  ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Sidoo kale Cabdikariin Mooge ayaa tilmaamay in olole nadaafadeed laga bilaabayo Suuqa gubtay, sidoo kalena waddooyinka la furayo, wuxuuna dabkii kacay ku sheegay inuu ahaa musiibo ay ku hanti waayeen Ganacsato aad u farabadan.

Dabka ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu socday in ku dhow 24 saac oo xiriir ah, isla markaana waxaa gurmadka lagu deminayey ka qeyb qaatay gaadiid dab demis ah oo gurmad ahaa dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo direen Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts