HomeWararBeesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Golaha Shacabka

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...
- Advertisement -

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war hayaan in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay qiyaastii ​​kala bar qabsoontay.

Beesha Caalamka ayaa mar kale hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan, si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.

- Advertisement -

War-saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa dhammaan Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

“Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Saaxiibada caalamka ayaa  ku celinayay walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.

- Advertisement -

“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo  ee geeddi-socodka doorashada” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay Maanta oo Jimco ah.

Latest stories