HomeWararDiyaaraddo sidday Ciidamo farabadan iyo Ergo oo Maanta ka degay Garoonka Baladweyne

Diyaaraddo sidday Ciidamo farabadan iyo Ergo oo Maanta ka degay Garoonka Baladweyne

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa duhurnimadii Maanta ka degay diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamada la geeyay Baladweyne ay yihiin Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Farah Yaasiin Xaaji Daahir oo u sharaxan kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu […]

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa duhurnimadii Maanta ka degay diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamada la geeyay Baladweyne ay yihiin Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Farah Yaasiin Xaaji Daahir oo u sharaxan kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#086.

- Advertisement -

Sidoo kale 2 diyaarado kale oo sidday ergadii dooran lahaa Fahad Yaasiin ayaa waxaa la sheegay in iyagana gaareen Baladweyne, lana dajiyey meel amnigeeda aad lo adkeeyey oo ku dhow Xerada ay degan yihiin Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu kusii jeedo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Tallaabooyinka ayaa imaanaya xili xalay Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay  hakiyeen qabashada doorashada kurisiga Hop#086, balse ay Go’aanka Guddiga diideen Guddiga doorashada Hirshabeelle oo sheegay inay qabanayaan doorashada kursigaas.

Latest stories