HomeWararDowladda Mareykanka oo mar kale u hanjabtay Madaxda Soomaalida

Dowladda Mareykanka oo mar kale u hanjabtay Madaxda Soomaalida

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo jimco ah soo saartay farriin ku socota Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Madaxda maamul Goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa mar kale loogu baaqay Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo. “Dowladda Mareykanka […]

- Advertisement -

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo jimco ah soo saartay farriin ku socota Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa mar kale loogu baaqay Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo.

- Advertisement -

“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada”ayaa lagu yiri Qoraalka Twitterka ee Safaaradda Mareykank ee Muqdisho.

Qoraalka Safaaradda Mareykanka ayaa daba socday War-saxafadeedkii Beesha Caalamka ee lagu sheegay in Wakiilada ka war hayaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyagoo dalbaday in doorashada lagu dhammeeyo waqtigii lagu heshiiyay.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale dhammaan Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

Latest stories