HomeWararLaba Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Laba Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada laba kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay  Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada laba kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay  Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.

- Advertisement -

Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa waxaa uu helay 100 oo ah Codadkii gacanta taaga ahaa ee ergada wax dooraneysay, waxaana doorashada diiday hal ergo, mana jirin wax ka aamusay, sida Natiijada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulka Galmudug.

Doorashada kursiga labaad HOP#081 ee Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, iyada oo heshay 71 Cod, isla markaana ma jirin wax diiday ama ka aamusay doorashada.

Musharax Xildhibaan Nasro Maxamed Dalabeey ayaa u tanaasushay, Cadar Cali Maxamed (shalaqbeen ), iyadoona sidaas loogu doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories