HomeWararLaba Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Laba Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada laba kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay  Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada laba kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay  Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.

- Advertisement -

Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa waxaa uu helay 100 oo ah Codadkii gacanta taaga ahaa ee ergada wax dooraneysay, waxaana doorashada diiday hal ergo, mana jirin wax ka aamusay, sida Natiijada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulka Galmudug.

Doorashada kursiga labaad HOP#081 ee Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, iyada oo heshay 71 Cod, isla markaana ma jirin wax diiday ama ka aamusay doorashada.

Musharax Xildhibaan Nasro Maxamed Dalabeey ayaa u tanaasushay, Cadar Cali Maxamed (shalaqbeen ), iyadoona sidaas loogu doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts