HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Magaalada Beledweyne

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Magaalada Beledweyne

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo xoojinta howlaha lagu xaqiijinayo amnig Magaalada, maadaama lagu wado […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo xoojinta howlaha lagu xaqiijinayo amnig Magaalada, maadaama lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Beledweyne iyo Saraakiisha AMISOM ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe la wadaagay qorshe amni oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xaslinta Magaalada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga Magaalada in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4-aad iyo 5-aad qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

- Advertisement -

Magaalada Beledweyne ayaa kamid ah magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha kasoo galaya dhanka Hirshabeelle.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts