HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Magaalada Beledweyne

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Magaalada Beledweyne

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo xoojinta howlaha lagu xaqiijinayo amnig Magaalada, maadaama lagu wado […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo xoojinta howlaha lagu xaqiijinayo amnig Magaalada, maadaama lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Beledweyne iyo Saraakiisha AMISOM ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe la wadaagay qorshe amni oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xaslinta Magaalada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga Magaalada in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4-aad iyo 5-aad qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

- Advertisement -

Magaalada Beledweyne ayaa kamid ah magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha kasoo galaya dhanka Hirshabeelle.

Latest stories