HomeWararHaweeney Xaamilo aheyd oo Aano qabiil Maanta loogu dilay degaan ka tirsan...

Haweeney Xaamilo aheyd oo Aano qabiil Maanta loogu dilay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka aan ka heleyno deegaanka Kaxan-dhaalle ee Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay lagu dilay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka, xili ay la joogtay oo ay ilaashaneysay xoolo ay laheyd. Qaar kamid ah dadka deegaanka Kaxan-dhaalle ayaa ku warramay in rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah dileen haweeneyda oo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Kaxan-dhaalle ee Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay lagu dilay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka, xili ay la joogtay oo ay ilaashaneysay xoolo ay laheyd.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Kaxan-dhaalle ayaa ku warramay in rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah dileen haweeneyda oo aheyd Xaamilo, iyagoona ku furay rasaas, oo sababtay in markii dambe ay haweeneyda goobta ku geeriyooto.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac oo aheyd haweeney xoolo dhaqato ah, waxaana goobta uu falku ka dhacay tegay qoyskeeda oo halkaas ka qaaday Meydka, lana geeyay Magaalada Gelinsoor.

Dilka loo geystay Hodan Cabdi ayaa waxaa la tilmaamay inuu salka ku haayo aano qabiil, isla markaana waxaa ragga dilay ee maleeshiyaadka ahaa ay horey usii dhaawaceen haween kale oo xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo dhaawacooda la dabiibayo.

Madaxda Magaalada Gelinsoor iyo Odayaasha ayaa ay sheegeen in falkan dhacay uu ka fog yahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban uu keeni karo falal kale oo fool xun, hadii aan Maamulada dariska ah ee Galmudug iyo DDS aysan xaalada soo fara-galin.

- Advertisement -

Dhacdadaan lagu dilay Hodan Cabdi Jaamac ayaa waxaa Maanta aad looga hadal hayaa deegaanka Kaxan-dhaalle iyo Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan dhacdadaan kuwo lamid ah ay horey uga dhaceen dhulka Soomaalida…

Latest stories