HomeWararGuddoomiye Maxamed Jacfar oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Guddoomiye Maxamed Jacfar oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas Galmudug. Doorashada kursiga ayaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Xasan Cali Cismaan iyo Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana inta aysan bilaaban doorashada […]

- Advertisement -

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas Galmudug.

Doorashada kursiga ayaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Xasan Cali Cismaan iyo Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana inta aysan bilaaban doorashada tartanka ka haray Musharax Xildhibaan Xasan Cali.

- Advertisement -

Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#025, isla markaana waxaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoo helay 100 Cod, hal qofna wuu diiday, mana jirin wax ka aamusay doorashada dhacday.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu guuleystay Guddoomiye Maxamed Abuukar Cali Jacfar, uuna kamid noqday Golaha Shacabka.

Latest stories