HomeWararAskar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha...

Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi  oo ku taalla degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Weerarka oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed oo gaaray Ciidamo ku sugnaa Barta […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi  oo ku taalla degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Weerarka oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed oo gaaray Ciidamo ku sugnaa Barta koontarool ee la weeraray, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka degmada Cadale.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba Askari oo kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, waxaana Qoraalka lagu daabacay baraha Internet-ka Shabaab ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarka ka dhacay Cadale.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray inay horey u qaateen laba qori Ak-47 ah oo ay wateen askarta la dilay, weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Cadale iyo Saraakiisha Ciidamada oo ku aadan weerarkaas.

Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga roon Gobolkaas, waxaana mararka qaar dagaal beeleedyo ay ka dhacaan deegaano hoostega degmadaas…

Latest stories