HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Jowhar

Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday Qarax barqadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, halka ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas iyo qof kale. Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani ayaa ku dhaawacmay qaraxaas dhacay iyo qof kalena oo shacab ah, waxaana xiligii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday Qarax barqadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, halka ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas iyo qof kale.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani ayaa ku dhaawacmay qaraxaas dhacay iyo qof kalena oo shacab ah, waxaana xiligii qaraxu dhacayay ay ku sugnaayeen Maqaayad ku taalla xaafadda kulmis ee Magaaladaas.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ay ku dhaawaceen Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray in dhaawacyo soo gaareen Sarkaal, Ciidamo iyo mid kamida Ergooyinka Xildhibaanada kasoo xulay dhanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Laamaha ammaanka Maamulka ayaa wada howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, waxaana qaraxaas uu kusoo aaday, iyada oo maalmaha soo socda la filayo inay Jowhar ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts