HomeWararDuqa Muqdisho oo kulan isla-xisaabtan ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Duqa Muqdisho oo kulan isla-xisaabtan ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar. Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada iyo la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada Magaalada iyo isku xirka degmooyinka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay Maamulka Gobolka iyo Taliska Booliska ay isla garteen in la sameeyo hoggaan gaar ah oo la dagaalama maandooriyaasha iyo rabshadaha dhaca..

Ugu dambeyn Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray waalidiinta Carruurtooda dhibaatada ku haaya shacabka inay ka celiyaan falalka xun, isagoona intaas kusii daray in dhawaan la bilaabi doono howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha isticmaala maandooriyaasha iyo kuwa ku hubeysan Mindiyaha, lagana qaadi doono tallaabo adeg..

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts