HomeWararAbiy Axmed oo mar kale ku hanjabay in ay cagta marin doonaan...

Abiy Axmed oo mar kale ku hanjabay in ay cagta marin doonaan TPLF

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘dhawaan cagta la marinayo cadowga’ xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah. Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘dhawaan cagta la marinayo cadowga’ xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah.

Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha oo ku labisan tuutaha militeriga wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhaween xilli ay ciidamadiisa si wadaan howlgalka lagu qabsanayo dhul badan.

Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas.

Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

- Advertisement -

Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts