HomeWararWararkii ugu dambeeyay doorashada Puntland iyo Deni oo codkiisa dhiibtay

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Puntland iyo Deni oo codkiisa dhiibtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa si habsami leh u socata doorasha cof iyo codka ah ee ay dhiibayanayaan dad weynaha Puntland, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka ay dadku safaf dhaadheer galeen si ay u codeeyaan. Magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Ayl ayay doorashadu si toos ah uga bilaabatay, waxaana wali socda cod bixinta ay sameynayaan dadka degaanadaasi ku nool, oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa si habsami leh u socata doorasha cof iyo codka ah ee ay dhiibayanayaan dad weynaha Puntland, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka ay dadku safaf dhaadheer galeen si ay u codeeyaan.

Magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Ayl ayay doorashadu si toos ah uga bilaabatay, waxaana wali socda cod bixinta ay sameynayaan dadka degaanadaasi ku nool, oo wali codadkooda dhiibanaya.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa goobjoog ka ah doorashada, waxaana sidoo kale  ku sugan degmooyinka ay cod bixintu ka socoto guddiyada doorashooyinka, oo goobjoog ka ah sida ay u socoto doorashada degaanadaasi.

Dad isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa cododkooda dhiibanaya, waxaana la arkayaa dad waayeel ah oo ku sugan safafka hore ee doorashada, kuwaasi oo codkoda dhiibanaya.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan halka ay codbixintu ka socoo ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada qof iyo codka ah ee ka socota degmooyiinka kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

- Advertisement -

Waxaana Siiciid Deni uu si gaar ah kaga codeeyay degmada Qardho oo ka mid ah Seddexda degmo ee saaka ay ka bilaabatay doorashada qof iyo codka ah.

Ammaanka guud ee goobaha codbxiinta ayaa la adkeeyay, waxaana shalaydii hore la geeyay magaalooyinka loo asteeyay doorashada Ciidamo aad u farabadan,kuwaasi oo sugi doona ammaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts