HomeWararXarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka Sudan oo lala wareegay

Xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka Sudan oo lala wareegay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciiddamo Isku-dhaf ah ayaa la wareegay Xarumahaasi, iyagoo xiray qaar ka mid ah Weriyayaasha ka hawlgala Warbaahintaasi. Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay Ciiddamo xoog ku galeen Xarumahaasi, iyadoo ay qeyb ka tahay Afgembiga ka socda dalkaasi. Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Wasaaradda ayaa lagu xusay inay Ciiddan Milliteri oo Isku-dhaf ay xoog ku […]

- Advertisement -

Ciiddamo Isku-dhaf ah ayaa la wareegay Xarumahaasi, iyagoo xiray qaar ka mid ah Weriyayaasha ka hawlgala Warbaahintaasi.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay Ciiddamo xoog ku galeen Xarumahaasi, iyadoo ay qeyb ka tahay Afgembiga ka socda dalkaasi.

- Advertisement -

Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Wasaaradda ayaa lagu xusay inay Ciiddan Milliteri oo Isku-dhaf ay xoog ku galeen Xarumaha Dhexe ee Telefishinka iyo Idaacadda ee ku yaalla magaallada Omdurman ee mataanka la ah Khartoum.

Hawlgalkaasi ayaa ku soo beegmay, xilli ay Saraakiil Milliteri ku dhaqaaqeen Afgembi Milliteri, iyagoo xiray Tiro Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

- Advertisement -

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.

Dhanka kale duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray caasimadda Suudaan ee Khartuum ayaa la hakiyay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inqilaab socda.

Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ayaa lagu soo waramayaa in la xiray, iyadoo la sheegay in ciidamo milateri ay hareereeyeen.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda oo ku saabsan xaaladda garoonka.

Latest stories