HomeWararWararkii ugu dambeeyay xaaladda dalka Suudaan oo saaka Afgambi ku waaberiisatay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda dalka Suudaan oo saaka Afgambi ku waaberiisatay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegaya in dalkaas uu ka socda isku day afgembi, waxaana lagu soo warramayaa in militeri aan la aqoon ay isku hareereeyeen guriga Ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.   Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan. Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidammada ay xireen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegaya in dalkaas uu ka socda isku day afgembi, waxaana lagu soo warramayaa in militeri aan la aqoon ay isku hareereeyeen guriga Ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.

 

- Advertisement -

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidammada ay xireen afar kamid ah golaha wasiirada iyo qof rayida ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan.

 

- Advertisement -

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

 

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.

 

Khamistii kumanaan kun oo qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay caasimadda Suudaan si ay taageero ugu muujiyaan dowladda kumeel gaarka ah.

 

Dhinaca kalena, waxaa jiray dad kale oo taageero u muujinayay militeriga isla markaana ugu baaqay inay afgembiyaan, waxay ku eedeeyeen dowladda rayidka ah inay fashilantay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts