HomeWararCali Yare “Farxad ayey inoo tahay dib u soo laabashada Fahad Yaasiin...

Cali Yare “Farxad ayey inoo tahay dib u soo laabashada Fahad Yaasiin oo lagu qashqashaaday Jabuuti”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa ka hadlay imaanshaha Magaalada Muqdisho ee Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Cali Yare oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in arroornimadii hore ee saakay ay Caasimadda soo gaareen Fahad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa ka hadlay imaanshaha Magaalada Muqdisho ee Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Cali Yare oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in arroornimadii hore ee saakay ay Caasimadda soo gaareen Fahad Yaasiin iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qaranka oo ku yimid diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday dalka Turkiga.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Cali Yare in soo laabashada Fahad uu ku faraxsan yahay, ayna tahay arrin weyn, isla markaana muddadii uu xilka NISA haayay uu isbedel amni ka sameeyay Muqdisho, isagoona xusay inay yaraadeen weeraradii iyo dilal qorsheysnaa ee dhici jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in imaatinka Fahad ay kusoo aaday, xili la wada sugayay oo baahi loo qabay saameyntiisa uu ku lahaa difaacayey dalka, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayaan imaanshaha Fahad Yaasiin.

Ugu dambeyn Cali Yare Cali ayaa sheegay in La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha laga sugayay inuu kasoo qeyb galo Shirka Guddiga Qaranka ee uu isugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee Jimcihii lagu xayiray dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa jimcihii lasoo dhaafay diyaarad uu socday lagu xayiray dalka Jabuuti, bale saaka diyaarad khaas ah ayuu ku yimid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts