HomeWararPuntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Amniga Doorashooyinka

Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Amniga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madax ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa wada hadal ka yeeshay Arrimaha amniga deegaanka Maamulkaas iyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Kulankan oo dhexmaray Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda amniga iyo Qaramada Midoobay ayaa sigaar ah uga wada hadlay dardar-gelinta Amniga doorashada […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madax ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa wada hadal ka yeeshay Arrimaha amniga deegaanka Maamulkaas iyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Kulankan oo dhexmaray Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda amniga iyo Qaramada Midoobay ayaa sigaar ah uga wada hadlay dardar-gelinta Amniga doorashada Baarlamaanka Federaalka iyo tan Maamulka.

- Advertisement -

Kulanka oo sidoo kale ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa looga arrinsaday u diyaar garowga mashruuca JPP -wajiga labaad iyo siday labada dhinac uga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in kulankii dhexmaray Maamulka iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay uu ku soo dhammaaday is afgarad iyo natiijo wax ku ool ah.

Wafdiga ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ee socdaalka ku gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa hoggaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM, waxaana safarka ku wehlinayay Saraakiil kale.

Latest stories