HomeWararMidowga Yurub oo War kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble

Midowga Yurub oo War kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay. Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

- Advertisement -

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Khilaafka Madaxda ayaa sii xoogeystay, kadib markii Farmaajo hakiyay awoodaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana saacado kadib tallaabadaas ka jawaabay Rooble oo sheegay in Madaxweynaha uu wado Jabinta heshiisyadii doorashada, carqaladaynta hawlaha Xukuumadda iyo abuurista xasilooni darro.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu guuldareystay in xal buuxa laga gaaro, kadib dadaalo maalmo qaatay oo labada dhinac ka wadeen Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts