HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamo waday howlgal Miino baaris ah

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamo waday howlgal Miino baaris ah

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidanka daraawiishta Puntland oo howlgal miino baaris ah ka waday inta u dhexeeysa Sugurre iyo Ballikhadar ee Buuraleyda Gobolka Bari.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas dhacay oo dadka deegaanka ay sheegeen in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil kamid ah Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa laga soo xigtay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, xili ay wadeen howlgal, isla markaana Shabaabka weerarka soo qaaday ay khasaaro gaarsiiyeen, waa sida hadalka loo dhigay.

Al-shabaab iyo Ciidamada daraawiishta Maamulka Puntland ayaa horey waxaa ay dagaalo geystay khasaaro ugu dhexmareen deegaano ka tirsan Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana xusid mudan in dhowr jeer Ciidanka Puntland ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen halkaas.

Latest stories