HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor dil loo geystay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaankaas. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Nin ku toogteen afaafka hore ee Xarunta shirkada hormuud ee deegaanka Xananbuure, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor dil loo geystay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaankaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Nin ku toogteen afaafka hore ee Xarunta shirkada hormuud ee deegaanka Xananbuure, isagoo u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu furay.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa dad yaqaano ayaa waxaa ay magaciisa ku sheegeen Cabdixamiid Daahir Aadan oo kamid ahaa dadka deegaanka Xananbuure, waxaana ragga hubeysan ay ku qaadeen weerar gaadmo ah.

Dilka loo geystay Cabdixamiid Daahir ayaa la tilmaamay inuu la xariiro aanooyin qabiil oo horey u dhacay, isla markaana waxaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday maleeshiyaadii falkaas ka dambeeyay, kuwaasi oo kasoo jeeda Cadaado.

Marar badan oo horey ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal salka ku haaya aanooyin qabiil, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay Galmudug ku soo laab-laabtay falalkaas oo inta badan dhaliya dagaal beeleedyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts