HomeWararMaamulka Galmudug oo ka hadlay Dil Maanta ka dhacay degaanka Xananbuure

Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dil Maanta ka dhacay degaanka Xananbuure

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dil rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay gudaha deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ugu geysteen Cabdixamiid Daahir Aadan oo kamid ahaa dadka deegaankaas. Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug Axmed Dheere oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegay in laamaha amniga Maamulka ay raad-joogaan soo qabashada raggii dilka […]

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dil rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay gudaha deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ugu geysteen Cabdixamiid Daahir Aadan oo kamid ahaa dadka deegaankaas.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug Axmed Dheere oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegay in laamaha amniga Maamulka ay raad-joogaan soo qabashada raggii dilka geystay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiiru dowlaha in Ciidamo badan loo diray deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, isla markaana ay socdaan howlgalo lagu baadi gaabayo soo qabashada dadkii dilay Marxuum Cabdixamiid oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale Axmed Dheere ayaa wuxuu intaas uu sii raaciyay in xiisada ka taagan xananbuure ay ku lug leeyihiin gacmo kale oo ka leh dano siyaasadeed, isagoona ku baaqay in la joojiyo Colaada soo cusboonaatay.

Dilka loo geystay Marxuum Cabdixamiid Daahir Aadan ayaa markii dhacay kadib, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana dilkaas uu salka ku haayay aanooyin la xiriira qabiil.

Latest stories