HomeWararMaamulka Galmudug oo ka hadlay Dil Maanta ka dhacay degaanka Xananbuure

Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dil Maanta ka dhacay degaanka Xananbuure

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dil rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay gudaha deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ugu geysteen Cabdixamiid Daahir Aadan oo kamid ahaa dadka deegaankaas. Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug Axmed Dheere oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegay in laamaha amniga Maamulka ay raad-joogaan soo qabashada raggii dilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dil rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay gudaha deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ugu geysteen Cabdixamiid Daahir Aadan oo kamid ahaa dadka deegaankaas.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug Axmed Dheere oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegay in laamaha amniga Maamulka ay raad-joogaan soo qabashada raggii dilka geystay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiiru dowlaha in Ciidamo badan loo diray deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, isla markaana ay socdaan howlgalo lagu baadi gaabayo soo qabashada dadkii dilay Marxuum Cabdixamiid oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale Axmed Dheere ayaa wuxuu intaas uu sii raaciyay in xiisada ka taagan xananbuure ay ku lug leeyihiin gacmo kale oo ka leh dano siyaasadeed, isagoona ku baaqay in la joojiyo Colaada soo cusboonaatay.

Dilka loo geystay Marxuum Cabdixamiid Daahir Aadan ayaa markii dhacay kadib, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana dilkaas uu salka ku haayay aanooyin la xiriira qabiil.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts