HomeWararMaxay Golaha Ammaanka ka dhaheen khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble?

Maxay Golaha Ammaanka ka dhaheen khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wakiilka Xogahaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xubnaha Golaha Amniga ee QM warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyay sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeellan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakiilka Xogahaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xubnaha Golaha Amniga ee QM warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyay sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeellan karto jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada.

- Advertisement -

Goluhu wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal dan u ah Soomaaliya iyo in ay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay kuna dhacda muddadii lagu heshiiyay si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabooyinka mideysan ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts