HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa goor dhoweyd soo gaartay Magaalada Caasimadda Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirad Raychelle Omamo kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa goor dhoweyd soo gaartay Magaalada Caasimadda Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirad Raychelle Omamo kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa si kala gaar gaar ula kulmi doonta, Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kale waxaa la filayaa inay sallaan ugu tagto Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirad Raychelle Omamo ayaa Madaxda dowladda kala hadli doonta xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, waxay martiqaad rasmi ah u wadaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo la filayo inuu todobaadkan uu socdaal ku tago Magaalada Nairobi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts