HomeWararWafdi ka socda Dowladda Kenya oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Dowladda Kenya oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho soo gaarto Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso, kuwaasi oo kasoo ambabaxaya Magaalada Nairobi. Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho soo gaarto Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso, kuwaasi oo kasoo ambabaxaya Magaalada Nairobi.

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa si kala gaar gaar ula kulmi doonta, Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kale waxaa la filayaa inay sallaan ugu tagto Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Wasiirad Raychelle Omamo ay martiqaad rasmi ah u wada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo la filayo inuu todobaadkan uu socdaal ku tago Magaalada Nairobi.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer xumaaday, sidoo kalena sababay in bilooyin ay xirnaadan safaaradaha labada dal ee Muqdisho iyo Nairobi, in kastoo markii dambe labada dowladood ay heshiis wada gaareen.

Latest stories