HomeWararCiiddankii Koonfurta Kuurya ee Hawlgalka u joogay Xeebaha Somalia oo laga waayey...

Ciiddankii Koonfurta Kuurya ee Hawlgalka u joogay Xeebaha Somalia oo laga waayey COVID 19

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa xaqiijisay in 265 Askari oo ka mid ahaa Ciiddankoodii Hawlgalka u joogay Xeebaha Somalia maalintii Sabtida ee Isbuucan laga saaray Xaruunta Karantiilka Milliteriga ee magaalladda Changwon oo ku taalla K/bari ee dalkaasi. Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddankaasi si buuxda uga bogsadeen Coronavirus, laguna sameeyey baaritaano kale, iyadoo 29 kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa xaqiijisay in 265 Askari oo ka mid ahaa Ciiddankoodii Hawlgalka u joogay Xeebaha Somalia maalintii Sabtida ee Isbuucan laga saaray Xaruunta Karantiilka Milliteriga ee magaalladda Changwon oo ku taalla K/bari ee dalkaasi.

Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddankaasi si buuxda uga bogsadeen Coronavirus, laguna sameeyey baaritaano kale, iyadoo 29 kale oo ka mid ahaa Ciiddankaasi la filayo inay maanta oo Talaado ah ka baxaan Xarunta Karantiilka, halka ay 2 Askari la sii hayn doono, maadaama ay weli la il-daran yihiin COVID 19.

- Advertisement -

272 Badmaaxiin ka mid ahaa 301 Askari oo la socotay Markabka Dagaalka ee dalka Koonfurta Kuurya inuu si saf-mareen ah ugu dhacay Xanuunka COVID 19 bishii la soo dhaafay ee July, xilli ay hawlgal u joogeen meel ka baxsan Xeebaha Somalia.

Sarkal u hadlay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi waxa uu tilmaamay inay Tijabooyinkii u dambeeyey wada mareen Ciiddankaasi, lana ogaaday inay dhamaantooda ka wada bogsadeen Coronavirus.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca Koonfurta Kuurya waxay soo werisay in Kiisas cusub oo COVID 19 uu weli ka dhex jiro Ciiddanka dalkaasi.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Shaqaalaha Rayidka ee Ciiddamada dalkaasi waxa uu xaqiijiyey inuu ku dhacay COVID 19, isla markaana uu Is-karantiilay, kadib, markii mid ka mid ah xubnaha Qoyskiisa oo la baaray laga helay Xanuunkaasi.

Tirada Guud ee Kiisaska Ciiddanka dalka Koonfurta Kuurya ee laga helay Coronavirus waxay gaarayaan 1,506 Askari, sida lagu shaaciyey Tiro-koobkii u dambeeyey ee Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts