HomeWararQatar oo si kulul uga hadashay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay...

Qatar oo si kulul uga hadashay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si xooggan u cambaareyneyso weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay goob baabuurta rakaabka laga raaco oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay qofkii is-qarxiyey iyo qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 23 qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska Soomaaliya.   War-saxaafadeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si xooggan u cambaareyneyso weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay goob baabuurta rakaabka laga raaco oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay qofkii is-qarxiyey iyo qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 23 qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska Soomaaliya.

- Advertisement -

 

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee QNA, ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso mowqifka “ay ku diidan tahay rabshadaha iyo argagixisanimada, ayada oo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha laga leeyahay.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoyaska dhibanayaasha weerarka, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayada oo kuwa dhaawac ahna u rajeysay soo kabasho deg deg ah.

- Advertisement -

Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhayey weerarada is-miidaaminta ah ee ay fulinayaan shaqisyaadka is-qarxinaya ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii lagu fulin jiray baabuurta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts