HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafau ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa Caasimadda dalka ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay heshiis uga wada gaareen khilaafkii doorashada. Sidoo kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafau ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda dalka ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay heshiis uga wada gaareen khilaafkii doorashada.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulamadaas ayaa dhammaantood ahaa kulamo lagu doonayay in xal buuxa looga gaaro khilaafkii muddo ku dhow sanad hareeyay doorashada dhaceysa, waxaana ugu dambeyn Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashada dalka.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts