HomeWararMuwaadin Soomaali ah kan tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta oo la dilay

Muwaadin Soomaali ah kan tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta oo la dilay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Muwaadin Soomaali oo la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu dilay Iska-horimaad ay Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Ciidanka Dowladda Yemen ku dhex maray Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi. Muwaadinkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir ayaa waxaa la sheegay in Khamiistii la soo dhaafay ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta […]

- Advertisement -

Muwaadin Soomaali oo la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu dilay Iska-horimaad ay Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Ciidanka Dowladda Yemen ku dhex maray Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi.

Muwaadinkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir ayaa waxaa la sheegay in Khamiistii la soo dhaafay ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku aaseen Qabuuraha Degmadda Al-Khamsiin ee ka tirsan Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

- Advertisement -

Telefishinka Cadan TV ayaa waxa uu baahiyey Muuqaalka rag Soomaali ah oo caddaynaya inuu Muwaadinka Soomaaliyeed ku shahiiday dagaalkaasi ka dhacay Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Ma’rib.

Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaani ayaa waxaa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Muuqaalkaasi.

Dhinaca kale, Toddobaadkii hore ayey ahayd markii uu Askari ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta uu si xaq-darro ah uu Muwaadinka Soomaaliyeed ugu dilay magaalladda Sanca.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa, halka Gacan-ku-dhiiglihii ka tirsnaa Kooxda Xuutiyiinta ee dilka geystay magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi oo 32-jir ah.

Latest stories